Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo saraakiisha Itoobiya?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa la kulmay saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland, Dagnachew Yitbarak.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dhanka Amaanka, la-dagaalanka kooxaha Argagixisada ah iyo sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa wax kasta oo liddi ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga ganacsi iyo isu socodka dadka ee Puntland iyo Itoobiya.

Kulanka waxaa Madaxweyne Deni ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana kala qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Sareeye Guuto Yaasiin Cumar Dheere, Taliye Xi-geenka ciidanka Daraawiishta Siciid Shoode iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Saraakiisha sar-sare Itoobiya ee caawa la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Abshir ee magaalada Garowe.

Dowladda Itoobiya ayaa xiriir toos ah la sameysatay dowlad goboleedyada Soomaaliya, kaddib markii dhawaaan ururka Al-shabaab gudaha u galeen Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyagoo ka soo tallaabay xadka gobolka Bakool.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa madmadow soo galay xiriirkii Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo sababtay in dowladda Abiy Ahmed toos ula macaamisho madaxda dowlad goboleedyada.

PUNTLAND POST