Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ayaa saaka daah-furay mashruuc cusub.
Madaxweyne Deni ayaa magaalada Qardho ka daah-furay mashruuc ka kooban maxjar, shaybaar iyo sayladda xoolaha oo laga hirgeliyay Qardho.
Siciid Deni ayaa sidoo kale shalay mashaariic kala duwan ka dhagax-dhigay degmada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan halkaas oo uu booqasho ku tegay.
Madaxweynaha ayaa muddooyinkii danbe waday wax u muuqda olole siyaasadeed oo ku jihaysan doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2024.
PUNTLAND POST