Farmaajo oo xildhibaan loo dhaariyay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta loo dhaariyey xubinimo Golaha Shacabka oo abadiyan ah, kaddib markii uu ogolaasho ka helay Baarlamaanka.

146 xildhibaan oo ka mid 157 mudane oo kulanka fadhiyay ayaa ogolaatay in madaxweynahii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo dhaariyo xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayey.

Dhanka kale xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kulanka inta aan xildhibaanimada loo ogolaan Farmaajo ayaa ku eedeeyay Madaxweynihii hore in ahaa mas’uulkii bixiyay weerarkii ka dhacay gurigiisa bishii December 2017.

Qodobka 64-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo wax ka baddel lagu sameeyay 2012-2016 ayaa dhigaya in qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, uu noqonayo xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka-qaadis lagu samayn.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqonaya madaxweynihii labaad oo markii uu xilka ka dagay xildhibaan noqday, 2017 waxaa noqday Xasan Sheekh Maxamuud, oo coddeeyay doorashadii isaga lagu doortay ee 15 Maajo 2022.

Tirada xidhibaannada Golaha Shacabka oo markii lagu dhisay habka 4.5 ahaa 275 ayaa hadda noqonaya 277 mudane.

PUNTLAND POST