Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay nin dhalinaro ah oo ku shaqaysanayay mooto bajaaj.
Dabley hubaysan ayaa sida wararku sheegayaan madaxa ka toogtay marxuumka oo lagu magacaabi jiray Camaar Cabdullaahi xilli uu ku sugnaa bartamaha Laascaanood.
Kooxdii dilka fulisay ayaa goobta isaga carartay sida laga soo xigtay goob-joogayaal waxaana halkaas soo gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Somaliland oo hawlgal ka sameeyay.
Mudda dheer waxa Laascaanood ka socday dilal madax-jebis ah oo lagu hayay shacabka ku dhaqan degmadaaas islamarkaana lama sheegin hal dhacdo oo cid loo qabtay.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.