Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa shaaciyay in xalay habeen barkii la soo af-jaray hawlgalkii Hotel Xayaat Muqdisho.
Taliyaha Booliiska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo goor dhowayd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hawlgalkaas lagu badbaadiyay in ka badan 106 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur.
Gen. Xijaar ayaa sheegay in dadka la badbaadiyay qof-qof looga soo saaray hoteelka balse kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarka isagoo sheegay in wasaaradda Caafimaadka ay ka warbixin doonto.
Sidoo kale taliyuhu kama hadlin tirada dagaallamayaasha Al-shabaab ee hoteelka weerartay iyo halka ay ku danbeeyeen midna.
PUNTLAND POST