Baarlamaanka Jubaland oo muddo kordhin u sameeyay Axmed Madoobe

Golaha wakiilada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa wax ka baddel ku sameeyay Dastuurka Jubaland.

Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay soo jeedin la sheegay in ay bishii hore soo jeediyeen 30 Xildhibaan, taas oo ahayd in wax ka baddel lagu sameeyo dastuurka Jubbaland Qodobka 28aad iyo qodobka 70aad.

Xildhibaanada ayaa ansixiyey in la baddelo labaas qodob, islamarkaana muddo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka Jubbaland oo markii hore ahayd 4 sano laga dhigo 5 sano, waxaana ogolaaday 55 Xildhibaan, 2 xildhiaan ayaa diiday, halka 1 xildhibaan ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxaan.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo la doortay Agoosto 2019 ayaa muddo xileedkiisa oo 4 sano ahaa ku ekaa bisha Agoosto 2023-ka.

PUNTLAND POST