Weerarkii hotel Xayaat oo 24 saac kaddib, weli socda

Weerarkii xalay haddaa lagu qaaday hotel Xayaat ee Muqdisho ayaa weli socda, iyadoo dhismaha hotelka laga maqlayo qaraxyo iyo rasaas.

Warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in qaar ka mid ah xubnihii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ilaa iyo hadda ka dhex-dagaalamayaan dhismaha hotelka.

Inta la hubo 20 ruux oo u badan shacab ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, kuwaas oo lagula tacaallayo isbitaallada magaalada Muqdisho.

24 saac ee la soo dhaafay waxaa Muqdisho laga maqlayay rasaas iyo qaraxyo ka dhacaya gudaha hotelka, iyadoo agagaarkiisana ay xiran tahay oo aan loo soo dhawaan karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka hadlin weerarkan, oo noqday kii waqtiga ugu dheer socday, marka loo eego weeraradii horay uga dhici jiray hoteellada magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST