Wararkii u danbeeyay ee weerarkii lagu qaaday Hotelka Xayaat Muqdisho

Rasaas goos-goos ah ayaa weli laga maqlayaa Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ka dhex dagaallamayaan dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab.

 Ciidamada ammaanka ay weli dagaal kula jira koox kamid ah Al-Shabaab oo xalay weerar ku qaadday hotelkaas ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay  in hawlgalka intiisa badan la soo af-jaray inkastoo aanu weli jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda.

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka halka oo tiro intaa ka badanna uu dhaawac ka soo gaaray islamarkaana laga soo badbaadiyay dad badan oo carruur ku jirto.

Laamaha Amnigu weli ma soo bandhigin tirada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka marka laga reebo xogaha hordhaca ah ee la helayo.

PUNTLAND POST