
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo madax kale ayaa kormeer ku tegay xarumaha ay ka howlgalaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka iyo madaxdii kale e la socotay waxa ay booqdeen goobaha laga soo dago iyo kuwa laga baxo ee Garoonka Aadan Cadde, Waaxda Ajaanibta iyo fiisooyinka, Waaxda Jinsiyadda iyo Xarunta ugu weyn ee laga bixiyo adeegga baasaboorka Soomaaliya ee Degmada Hodan.
Kormeerkaasi oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Wasiiru cowlaha Amniga gudaha Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Isaaq Maxamed Maxamuud ,waxaa xarumahaasi ku soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa bogaadiyay shaqada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ka hayso gudaha dalka iyo dibedba, isagoo dhinaca kale kula dardaarmay in lala yimaado qorshayaal istaraatiiji ah oo ka qeybqaadan kara horumarka dalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.