Farmaajo oo berri loo dhaarinayo xildhibaan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa berri loo dhaarinayaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay kulan ay berri yeelan doonaan Gohuhu, in ay ajendaha ka mid tahay dhaarinta Madaweynihii hore Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Qodobka 64-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo wax ka baddel lagu sameeyay 2012-2016 ayaa dhigaya in qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, uu noqonayo xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka- qaadis lagu samayn.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqonaya madaxweynihii labaad oo markii uu xilka ka dagay xildhibaan noqday, 2017 waxaa noqday Xasan Sheekh Maxamuud, oo coddeeyay doorashadii isaga lagu doortay ee 15 Maajo 2022.

Tirada xidhibaannada Golaha Shacabka oo markii lagu dhisay habka 4.5 ahaa 275 ayaa hadda noqonaya 277 mudane.

PUNTLAND POST