Faahfaahin: Weerarka Hotel Xayaat ee Muqdisho

Rasaas iyo bambooyin ayaa weli laga maqlayaa gudaha hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho oo caawa fiidkii lagu qaaday weerar qaraxyo ku bilowday.

Hotelka ayaa markii hore labo qarax lagu weeraray, kaddibna waxaa gudaha u galay rag hubaysan, sidoo kale qof walxaha qarxa isku xiray ayaa isku qarxiyay ciidamo u soo gurmaday hotelka.

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad ayaa gudaha hotelka kula dagaalamaya raggii weerarka soo qaaday, waxaana la soo badbaadiyay qaar kamid ah dadkii ku xayirnaa hotelka.

Saraakiil ciidan, mas’uuliyiin iyo dad shacab ah ayaa waxyeelo ka soo gaadhay qaraxyada iyo dagaalka tooska ah, inkastoo aan weli tiro rasmiya la xaqiijin karin.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka, waxayna intaas ku darteen in ay dagaalyahanadooda gudaha u galeen hotelka.

PUNTLAND POST