Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Britain

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, ayaa maanta la kulmay safiirka Boqortooyada Britain Kate Foster OBE.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal. “Waxaan ka wada hadalnay xirriirka saaxiib-tinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK, iyo siyaabaha lagu sii xoojin karo” ayuu wasiir Huruuse ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Dowladda Britain ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ciidamada Soomaaliya ku taageerayso lacag dhan £2.3 milyan, si loo kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST