Puntland oo ku baaqday in si wadajir ah loo wajaho Gurmadka Abaaraha

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee Bani’aadantinimada.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka iyo Hay’addaha kale ee Kulanka kasoo wada shaqeeyay, Wuxuuna ku baaqay in xoogga la saaro arrimaha bani’aadantinimo ee hadda jira gaar ahaan gurmadka Abaaraha.

“Waan ku bogaadinaya Wasaarada Gar-gaarka iyo maaraynta Masiibooyinka iyo guddiga Abaaraha oo ay iyadu gadhwadeenka u tahayba shaqada ay wadaan aniga oo faraya inay sii laba jibaaraan.

Hay’ddaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee maanta kasoo qayb galay xuska Maalintan caalamiga ah ee Bini’aadantinimada iyo kuwa maqanba waxaa looga baahan yahay inay kaalin xoogan ka qaataan hawlaha gurmadka ee socda ayna si dhow ula shaqeeyaan Guddiga ku hawlan gurmadka, aniga oo og inay qayb ka yihiin hawlaha guddigu wado hadana waxaan kula dar-daarmayaa inay xoojiyaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaarada Gar-gaarka iyo maaraynta Masiibooyinka iyo Hay’adaha kala shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada iyo marti sharaf kale.

PUNTLAND POST