Ra’iisul Wasaare Xamse oo baaq u diray bulshada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulankii ugu horreeyey la yeeshay guddiga gurmadka abaaraha ee xalay magacaabay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno laga dhageystay Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Bay’ada, waxayna soo bandhigeen Wasaarad walba doorka ay ku leedahay arrimaha gurmadka abaaraha.

Xogahayaha guddiga gurmadka ahna Maareyaha Xarunta Qaran ee Hawlgalada Degdega ah (NEOC) ayaa sidoo kale soo bandhigay warbixin iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta iyo tallooyin ku aaddan qaabka looga hortago abaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray in howlaha gurmadka la dardargeliyo, maadaama ay abaaruhu yihiin kuwo ka sii daraya, dadka ay saameeyeena ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xamse ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan loo fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, intii kaalmo shisheeye la sugi lahaana ay muhiim tahay in ummadda Soomaaliyeed ay dhex dooda is garab siiyaan.

PUNTLAND POST