
Hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA ayaa saxiixday heshiis ku saabsan dib u-dhiska iyo dayac-tirka jidka Lafa-goray.
PHA iyo shirkadda National Engineering & Construction Corporation oo fulinaysa dhismaha jidka Lafa-goray ayaa kala saxiixda heshiiska.
Jidkan oo dhererkiisu yahay 26km ayaa lagu dhisayaa lacag gaaraysa $680,000 sida laga soo xigtay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA.
Wadada Lafa-goray ayaa isku xirta degaanno ka tirsan Gobolka Gardafuu ee Puntland halkaas oo ay ka jirto jidad-xumo mararka qaar sababa shilal kala duwan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.