Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare, Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan degdegga ah ee caawa oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:
– Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.
– Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.
– Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.
– Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.
– Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.
– Ugu dambeyn waxaa Golaha Wasiirradu boggaadiyay hawlgallada ciidamada qalabka sida, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta kala duwan ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.
Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:
1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
6. Wasiirka Maaliyadda
7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
10. Wasiirka Amniga Gudaha
11. Wasiirka Gaashaandhigga
12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
14. Culimada Soomaaliyeed
15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
16. Ururada bulshada Rayidka
PUNTLAND POST