Wasiir Huruuse oo la kulmay safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta la kulmay safiirka toobiya u fadhiya Muqdisho Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo madmadow soo galay tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Kulanka ayaa la iskula soo hadal-qaaday xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee deriska ah ee saaxiibada ah uu ka dhexeeyo iyo dadaalka wadajirka ah ee lagu sare qaadayo heerka isku-duwidda , iyadoo la joogtaynayo wadatashiga lagu xoojinayo dhammaan hababka iskaashiga ee dheef wadaagga leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soonaaliya.

Kulankan ayaa imanaya, iyadoo dowladda Abiy Ahmed ay xiriir toos ah la yeelatay qaar ka mid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya.

PUNTLAND POST