William Ruto oo ku guuleystay Madaxweynaha Kenya

Ruto oo noqday madaxweynihii 5-aad ee Kenya

Guddiga doorashada Kenya ee IEBC ayaa xarunta Bomas ee magaalada Nairobi kaga dhawaaqay in doorashadii madaxtinimada Kenya ee dhacday todobaadkii hore uu ku guuleystay William Ruto.

Ruto wuxuu helay 50.49 boqolkiiba codadka dadweynaha, halka Odinga oo ah musharaxa tartanka adag la galay uu helay 48.85 boqolkiiba

Afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada Kenya ayaa ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada sheegay in aysan wax shaqo ah ku lahayn natiijada lagu dhawaaqi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashadda Kenya Juliana Cherera oo ka mid ah xubnaha diiday ku dhawaaqista natiijada ayaa sheegtay in aysan qaadan karin lahaanshaha natiijada lagu dhawaaqi doono.

Raila Odinga ayaa diiday in uu yimaado xarunta Bomas, wuxuuna wakiilkiisa madaxa doorashada Saitabao Kanchory sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada doorashada. Raila Odinga wuxuu 5 jeer ku guuldareystay doorashada madaxtinimada Kenya, kuwaas oo kala ah 1997, 2007, 2013, 2017 iyo 2022.

Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto waa 56 jir, wuxuu madaxweyne ku xigeenka Kenya soo ahaa 2013 ilaa 2022, xiligaas oo uu madaxweynaha ahaa Uhuru Kenyatta.

Ruto waxa uu ahaa Xildhibaan intii u dhaxaysay 1998 ilaa 2013. Waxa uu soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladdii Daniel Arap Moi. Sidoo kale dowladdii Mwai Kibaki ayuu soo oqday Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Tacliinta Sare.

PUNTLAND POST