Saadaq Joon oo loo soo celiyay darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Saadaq Cumar Mohamed (Saadaq Joon) darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee ka qaaday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Sarreeye Guuto Saadaq Cumar Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey.” ayaa lagu yiri xeerka.

“Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay Isniin, 15-ka bishan Ogoosto, 2022 oo ah marka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu daray.

Bishii April 2021, Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa darajooyiinka ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon, oo xiligaaas ahaa taliyihii booliska gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu ka qaaday dhammaan xuquuqdii ciidan.

Saadaq Joon, ayaa xiligaas hor is hortaagay oo hakiyey kulankii ay lahaayeen baarlamaanka Soomaaliya oo la doonayay in muddo kordhin loogu sameeyo dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo.

Saadaq Cumar Mohamed (Saadaq Joon) ayaa hadda ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST