Madbacadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo xirantay

Sawiro muujinaya xirnaashaha Madbacadda

Madbacadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ahayd waax wasaaradda u qaabilsan howlaha daabacaadda ayaa afartii (4) sano ee la soo dhaafay howlgab ahayd.

Madbacadda ayaa howlgab u noqotay dayactir la’aan iyo shaqaalihii oo dhaqaale waayay sanadihii ugu dambeeayay, sida ay ogaadeen baarayaal ka tirsan Puntland Post.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo xiligii uu wasiirka ahaa la hirgeliyay ayaa sheegay in Madbacadda uu maalgeliyay Midowga Yurub, markii ugu dambaysayna ahayd waax muhiim ah oo shaqaale carbisan leh, wax soo saar dhaqaalena samaysa.

Juxa oo arrintan uga hadlay qoraal uu ku daabacay bartiisa gaar ah ee Facebook, waxa uuu soo jeediyay in la howlgeliyo Madbacadda, si xal kama dambays ah loogu helo qiimaha kacsan ee buugaagta ardayda Puntland, loogana maarmo in daabacaadda buugta qandaraas lagu bixiyo oo faa-iido laga raadiyo.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa qandaraaska daabacaadda buugaagta manhajka cusub siisay Madbacad gaar loo leeyahay, kaddibna qiimaha buugaagta ka dhigtay $55 doolar, taas oo sababtay cabasho xooggan oo ka timid shacabka oo awalba la daalaadhacayay sicir-barar iyo dhaqaale la’aan.

Cabashada shacabka kaddib, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalin ka hor hakiyay iibka buugaagta, balse waxaa qoraal maanta ka soo baxay Madaxtooyada lagu sheegay in qiimaha iibka buugaagta laga dhigay $33 doollar.

Puntland Post, waxay weli wadaa baaritaan ku aadan qaabka loo bixiyay qandaraaska daabacaadda buugaagta iyo shirkadda la siiyay.

PUNTLAND POST