Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Guddiga diiwaangelinta ururada Siyaasadda

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan la qaatay Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Somaliland.

Guddiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey ururrada siyaasadda ee buuxiyey shuruudihii diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda kuwaas oo tiradoodu dhantahay 15 Urur Siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliland ayaa guddida uga mahadceliyay shaqada ay hayaan waxaana uu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan shaqada.

PUNTLAND POST