Farmaajo, Laftagareen iyo Qoorqoor oo u hambalyeeyay Ruto

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto.

“Waxaan dhambaal hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ku-xigeenkiisa Mudane Rigathi Gachagua, oo ku guulaystay doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay dalkaas, aniga oo u rajaynaya nabad, horumar iyo xasillooni” ayuu yiri Farmaajo.

Dhanka kale Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Qoorqoor ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Kenya, William Ruto.

PUNTLAND POST