Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdisalaan Cumar Hadliye ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in ergayga loo magacaabay sidii uu uga miro-dhalin lahaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixineyso ololaha ku biiridda Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Cabdisalaam Cumar Hadliye ayaa soo noqday Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhe.

PUNTLAND POST