Booliska waddanka Mareykanka ayaa shaaciyay in ay aqoonsadeen ninkii galbeedka New York ku weerayay Salmaan Rushdi islamarkaana dhaawaca daran gaarsiiyay.
Ninkan oo ay boolisku magaciisu ku sheegeen Haadi Matar oo 24 jir ah ayaa ka yimid Gobolka New Jersey.
Ciidamo ka tirsan FBI-da waxay gudaha u galeen guriga uu Haadi degganaa si ay baaritaan dheeraad ah ugu sameeyaan.
Taliyaha Booliska New York ayaa warbaahinta u sheegayin sababta weerarkaasi ka dambeysay aan weli la ogaan.
PUNTLAND POST