Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta xilka kala wareegay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda Balal Maxamed Cismaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta ayaa xusay in siyaaasadda xukuumaddiisa ee arrimaha dibadda ay tahay mid ku saleysan danaha qaranka iyo ujeeddooyinka istiraatijiyadeed ee Soomaaliya ku wajahayso caalamka, taasoo qeexaysa hiigsiga dowladda ee Soomaali dunida hehsiis la ah.

Sidoo kale waxaa iyaguna maanta xilka la wareegay wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi, wasiirka cusub ee Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene, wasiirka cusub ee Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir iyo wasiirka cusun ee Dhallinyarada & Ciyaaraha Maxamed Barre Maxamuud.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhammaan goobjoog ka ahaa munaasabada xil wareejinta ayaa u rajeeyey wasiirrada cusub in alle u fududeeyo shaqada hortaalla, waxuna kula dardaarmay in ay si hufan ugu adeeggaan bulshada Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST