Mas’uuliyiinta Soomaaliya oo bilaabay qaybinta cunto iyo gargaar ka yimid Imaaraadka Carabta

Markab laga leeyahay waddanka Imaaraatiga Carbeed oo sida in ka badan 1,000 Tan oo cunto iyo gargaar ah ayaa gaaray dekedda magaalada Muqdisho sida uu saaka qoray wargeyska The National.

Gargaarkaas oo ay bixisay dowladda Imaaraadka carabta ayaa loogu tala-galay in lagu taageero malaayiinta Soomaaliyeed ee ay saamaysay abaartii ugu darnayd ee dalka ka dhacda mudda tobanaan sano ah.

Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay in ay gargaarkaas u qaybiyaan qoysaska baahan iyo dadka soo bara-kacay sida uu sheegay wargeyska The National.

Gargaarka ayaa la gaarsiin doonaa dad gaaraya 2.5 malyan oo ay saamaysay abaarta daran ee ka dhalatay Roobabkii oo la waayay saddex xilli roobaad oo isku xiga.

Halkan ka akhriso warbixinta oo dhan

PUNTLAND POST