
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku saabsan rabshadihii ka dhacay Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku boorriyay madaxda Somaliland in ay soo celiyaan dhaqankii lagu yaqaanay ee ahaa in ay si iskood ah u xalliyaan tabashooyinka dhex yimaadda.
“Somaliland iyagaa Amuurohooda xallista, iyagaa keligood meel fariistay, iyagaa ku heshiiyey, iyagaa ku dhaqmay, iyagaa ku bullaalay ayaan dhahnaa, waa tusaale ka suuragala Soomaalida oo dhan, inay sidaas yeelaan ayaan dhahnaa” ayuu Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland in ay si nabad ah u xalliyaan khilaafka siyaasadeed ee hadda ka dhex taagan, oo ay ka hortagaan in ay u baahdaan in cid debedda ah soo farogeliso.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.