Muuse Biixi: Cirro, Sri Lanka buu filim ka daawaday

Muuqaalka Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal dheer jeediyay ayaa ka hadlay mudaharaadyadii khamiistii gilgilay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in mudaharaadyadaas ay ku dhinteen 5 ruux, sidoo kale dad 100 qof ka badan ku dhaawacmeen, wuxuuna mas’uuliyada khasaarahaas dusha ka saaray guddoomiyaha xisbiga Waddani, guddoomiyaha xisbiga UCID iyo guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani.

Madaxweynaha Somalilanad wuxuu aad u weeraray guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Xasan iyo musharaxa xisbigaas Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna yiiri “guddoomiyihii hore ee xisbiga Waddani waxay ula ekaatay in uu guul ku gaarayo inuu xisbiga ku wareejiyo nin aan xisbiga waxba ka dhisin, tacab ka galin oo hadimo uu u gaysto mooyee xisbiga aan maalin qura waxba ku tarin”.

“Waxaa Cirro loo sawiray oo uu run mooday, hadii aan mudaharaad wadno dowladaha imanka waa laga yaacaa, Sri Lanka buu filim ka daawaday, waxay la noqotay hadii buuq la abuuro in sidaa madaxweyne lagu gaarayo” ayuu ku daray Muuse Biixi.

Dhanka kale xisbiga Waddani ayaa sheegay in ay mudaharaadka wadi doonaan ilaa dowladda Muuse Biixi ogolaato in ay doorashada madaxtinimada qabato 13 November 2022.

PUNTLAND POST