Abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya ayaa gaartay heer aan hore loo arag, taasoo keentay in hal milyan oo qof oo gudaha dalka ah hadda loo diiwaan geliyo inay barakaceen, sida ay Khamiistii sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
In ka badan 755,000 oo qof ayaa ku barokacay gudaha Soomaaliya sababo la xiriira roob la’aanta daran ee sanadkan, waxayna tirada guud ka dhigeysa hal milyan tan iyo bishii Jannaayo ee la soo dhaafay zilligaasi oo ay bilaabmeen abaaraha, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ay soo saareen UNHCR iyo Norwegian Refugee Council (NRC).
Tirada dadka wajahaya dhibaatooyinka heerka gaajo ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor uga kacdo ilaa shan milyan oo ay gaarto in ka badan toddobo milyan bilaha soo socda,taasoo ay uga sii dartay saameynta isbeddelka cimilada, iyo sare u kaca qiimaha cuntada ee ka dhashay iskahorimaadka Ukraine.
Bishii Juun ee la soo dhaafay hey’adda UNHCR waxay ku dhawaaqday inay u baahan tahay 9.5 milyan oo doolar oo loogu talagalay Soomaaliya, taasoo qayb ka ah codsiga gobolka Geeska Afrika, si loo caawiyo bulshooyinka soo barakacay ee ay saameeyeen abaarihii ba’naa.
PUNTLAND POST