
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Yugaandha.
Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.
Madaxweynaha ayaa xusay xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yugaandha , kaasi oo ku salaysan danaha labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan .
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mahadceliyay doorkii ay dowladda Yugaandha ka qaadatay la dagaallanka Argagixisada isagoo sheegay in ay taasi abaal weyn ugu hayaan dadka Soomaaliyeed.
Soomaaliya iyo Yugaandha ayaa dhowaan gaaray heshiis iskaashi ganacsi ah, kaas oo lagu tilmaamay mid wax badan ka tari doona sare u qaadidda dhaqaalaha labada dal, mashaariicda maalgashi iyo shaqa abuurka bulshada labada dal.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.