Wasiirrada cusub ee Amniga iyo Diinta & Awqaafta oo xilalka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay wasiirka cusub in looga fadhiyo shaqo culus, maadaama amnigu uu yahay mid kamid ah tiirarka muhiimka ah ee xukuumadda.

“Anagoo ka duulayna baahida shacabka Soomaaliyeed, waxaan ahmiyada ugu wayn ee Xukumadda ka dhignay amniga. Waxaan garowsannahay in amnigu aan qori kaliya lagu sugi karin oo ay waajib tahay dhiirri gelinta iyo abaabulka doorka bulshada.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow Cali iyo Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Sheekh Cumar Cali Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Wasiirrada xilka la wareegay in Eebbe uu u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, wuxuuna faray in ay si daacad ah oo Soomaalinimo leh ay ugu adeeggaan dalkooda, diintooda iyo dadkooda.

PUNTLAND POST