Waa In La Taageero Hirgelinta Dimuqraaddiyeynta Puntland

Siyaad Cali Jaamac

Siyaad Cali Jaamac: “Dadka Puntland waxay u ooman yihiin helista xildhibaanno ka hortaga in misaaniyadda degmada ama gobolka loogu talagalay ay ku dhacdo jeebabka siyaasiyiin ku bahoobay boobka hantida dadweynaha.”

Sanadkii hore Puntland waxay u dhaqaaqday u gudbista nidaam ku salaysan xisbiyo siyaasadeed. Doorashadii tijaabada ahayd ee dowladaha hoose waxay muujisay in dadka Puntland diyaar u yihiin awood-daadejin dhab ah. Waa waddada keliya ay u mari karaan in ay ka gudbaan metelaadda xildhibaanno aan ka madaxbannaanayn qeybta fulinta (madaxtooyada). Haddii dadku soo doortaan xildhibaannadooda waxay helayaan xaqa ay kula xisaabtami karaan xildhibaanka adeegyada maqan, ballanqaadyada dowladdu fulin weysay, ka hortagga in dhowr siyaasi ay afka iska mariyaan miisaaniyadda gobolka ama degmada.

Geeddi-socodka dimuqraaddiyeynta Puntland wuxuu ku salaysan yahay isla xisaabtan siyaasadeed iyo in laga baxo xildhibaannada ku qanacsan in farahooda oodkac lagu cuno. 24 sano waa muddo dheer oo hab dimuqraaddiyeyn lagu hirgelin karay. Waxa horyaalla dowladda Puntland oo uu waqtigeedu dhammaanayo 15 bilood kaddib ujeeddada inay Puntland ka hirgeliso doorasho qof iyo cod.

Codbixiyayaal u hor safan goob laga codeeyo Eyl sanadkii hore.

Isbeddellada siyaasadeed heer federaal tobankii sano ugu dambeeyay waxaa ka soo baxay farriinta in hay’adaha siyaasadeed ee Puntland ay ka hortagi karaan awood maroorsi iyo talis koox gaar ah aqoonsi dowlad dhexe ku adeegata. Puntland wixii hadda ka dambeeya ma sii ahaan karto maamul ka dhursuga habsami u hirgelinta habka federaalka: waa in Puntland ay dadkeeda ku taageerto xaqa ay u leeyihiin awood-daadejin, iyo in xisbiyada samaysmi doona ku tartamaan fikrado.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni muddada u harsan waa inuu xoogga saaro in dhowr iyo lixdan xildhibaan aysan soo dooranin Madaxweynaha Puntland 2024. Ma jiro cudurdaar hakin kara geeddi-socodka dimuqraaddiyeynta waayo Puntland xil baa ka saaran inay noqoto tusaalaha hirgelinta federaalka. Awood-daadejintu waxay abuuraysaa isla xisaabtan siyaasadeed iyo awoodo kala madaxbannaan.

Dadka Puntland waxay u ooman yihiin helista xildhibaanno ka hortaga in misaaniyadda degmada ama gobolka loogu talagalay ay ku dhacdo jeebabka siyaasiyiin ku bahoobay boobka hantida dadweynaha. Saboolnimada ba’an oo Puntland saameysay inteeda badan waa mid ay siyaasiyiintu abuureen waayo waxay fursadaha nolosha kala dagaallamaan dadka. Ururrada siyaasadda Puntland waa inay Madaxweyne Deni ku taageeraan hirgelinta geeddi-socodka dimuqraaddiyeynta. Cudurdaar ma jiro.