Ra’iisul Wasaare Xamse oo amar duldhigay Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa duldhigay Golaha Wasiirrada amar la xiriira ilaalinta nidaamka shaqada iyo hantida Qaranka.

Ra’iisul Wasaase Xamse ayaa wareegto uu soo saaray caawa ku amray Golaha Wasiirrada in ay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka, marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu mamnuucay magacaabis iyo shaqo ka joojin saraakiisha darajooyinka sare, oo aan loo marin qaab waafaqsan dastuurka iyo sharciga shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Golaha Wasiirrada waxaa la faray inta aysan sameyn magacaabis ama kala baddel mas’uuliyiinta hay’adaha in ay marka hore waafajiyaan sharciga, isla-markaana la-tashi kala yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha.

Amarka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku soo aadaya, iyadoo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada cusub ay xilalka la wareegeen.

PUNTLAND POST