Xubno ka mid ah Xukuumadda Xamse oo xilalka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, Saalax Axmed Jaamac iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore, ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, dukumiintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka. Sidoo kale Wasiirka cusub ee Bii’ada iyo Isbeddelka Cimillada Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa xilka kala wareegtay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed oo Waaxda Bii’adu ay hoos tagaysay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaase Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Cilmi Maxamuud  Nuur iyo Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu qabtay wasiirkii hore ee Maaliyadda, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha dayn cafinta, isagoo u rajeeyey wasiirka xilka la wareegay in uu si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa xusay in muddada uu joogo xafiiska uu diiradda saari doonno, sidii loo hirgelin lahaa sharci mideysan oo lagu hagayo canshuuraha dalka iyo deyn cafinta, si dalku u helo maalgashi caalami ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub Saalax Axmed Jaamac ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore Gaadiidka Hawada iyo Duulista, Duraan Axmed Faarax iyo Wasiirka cusub Fardowso Cismaan Cigaal. Sidoo kale wuxuu u kala wareejiyay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac iyo Wasiirka cusub Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir).

Wuxuu kaloo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub xilka u kala wareejiyey Wasiiru dowlaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani iyo Wasiiru dowlihii hore Cabdixakiin Xasan Ashkir.

PUNTLAND POST