
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhowaan ku wajahan Caasimadda Puntland ee Garoowe sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.
Ra’iisul wasaare Xamse oo la magacaabay 15 June ee Sannadkan 2022 ayaa Safarkiisani noqonayaa kii u horreeyay oo uu ku yimaado Puntland tan iyo markii uu xilkan qabtay.
Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxda Puntland ayaa lagu wadaa in ay yeeshaan Kulamo ku saabsan wada-shaqaynta dowladda Federaalka iyo Puntland.
Safarkiisa ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen Xukuumadda cusub.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.