Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta codka Kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan weyne ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay u codeynta  iyo kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa horay uga codsaday Xildhibaannada in ay ansixiyaan Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka loo igmaday.

Sidoo kale Wasiirada magacaaban ayaa muddooyinkii danbe waday kulamo ay codka kalsoonida ku weydiisanayaan xildhibaannada Baarlamanka gaar ahaanna kuwa ay isku degaanka yihiin.

PUNTLAND POST