
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa kulan la qaatay Saraakiisha, Taliyayaasha iyo Taliye xigeenada Ciidamada Amniga Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Taliyayaasha Saldhigyada Magaalada Gaalkacyo, saraakiisha CID iyo Taliye xigeenada ayaa ka soo qayb galay Kulankan.
Shirkan oo mudo saacada ah socday ayuu Gudoomiyuhu warbixino ka dhagaystay Saraakiisha isagoona intaa kadib ku amray laamaha amniga in ay laba jibaaraan howlgalada Amni ee Magaalada Gaalkacyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.