Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne

Mooto Baajaaj ay saarnaayeen sida la sheegay walxaha qarax ayaa galabta ku qaraxday degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil amni, waxaa gacanta lagu dhigay ninkii weday Mooto Bajaaj-ta oo dhaawac soo gaaray, lama sheegin cid kale oo waxyoolo ka soo gaartay qaraxa. Jugta qaraxyo saarnaa Mooto Bajaaj-ta ayaa si weyn looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dhanka kale qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah ayaa maanta lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yahiin ciidamada Gargor oo ku yaalla degaanka Jawiil ee waqooyiga magaalada Baledweyne.

Sarkaal ka mid ah ciidamada ku dhintay qaraxa

Qaraxa waxaa ka dhacay dhimasho iyo dhaawac aan weli tirakoob rasmi ah laga hayn, waxaana ciidamada dhintay ka mid ah Gaashaanle Takar Subagle Furcas oo ahaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Gorgor.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lala eegtay ciidmada Gorgor ee degan waqooyiga magaalada Baledweyne.

PUNTLAND POST