Dowladda Mareykanka ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay xaalad caafimaad-guud oo deg deg ah, kaddib marki ay soo bateen kiisaska la xiriira xanuunka Furuqa-Daanyeerka ee Monkeypox.
Tallaabadan ayaa hay’adaha caafimaadka dowladda Federaalka ee Maraykanka u fududeyn doonta in ay dowladda ka helaan kaalmo dhaqaale oo deg deg ah oo lagula dagaalo xanuunkaas.
Kiisaska dadka laga helay xanuunka Monkeypox ayaa Arbacadii gaaray 6,600. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ugu badan ee laga helay ay yihiin ragga gogosha wadaaga.
Dowladda Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay qaabka ay u maareyneyso xanuunkan sii faafaya.
PUNTLAND POST