Jubaland iyo Galmudug oo sheegay in lagu ku xadgudbay awood qaybsiga beelaha Daarood

Madaxweyne ku-xigeenada Jubaland iyo Galmudug oo ka hadlay dhisida Xukuumadda Federaalka iyo qaabka loo qaybiyay ayaa sheegay in lagu xadgudbay awood qaybsiga beelaha Daarood.

Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, oo soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, ayaa si gaar ah uga hadlay beesha Sade (Mareexaan) oo ay sheegeen in quursi lagu sameeyay.

Labada Madaxweyne ku-xigeen waxay ugu baaqeen beesha Sade in ay isugu timaado shir degdeg oo ay ugu tashanayso arrimaha awood qaybsiga siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Labada mas’uul oo ka soo jeeda beesha Sade ayaa war-saxaafadeedkan soo saaray, kaddib shir ay ku yeesheen habka fogaan araga (Zoom).

PUNTLAND POST