Xukun lagu riday haweeney Soomaali ah oo dibadda lacago uga soo diri jirtay Al-shabaab

Haweeney Soomaaliyeed, oo haysata dhalashada waddanka Holland ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay in ay lacago boqolaal dollar ah ugu deeqday ururka Al-Shabaab.

Xukunka lagu riday Farxiya Xasan, oo 38-jir ah, ayaa aad uga yar 8-dii sano oo ay dacwad-oogayaashu dalbadeen in lagu xukumo gabadhaas.

Horraantii sanadkan ayay maxkamadda degmada Alexandria ee dalka Mareykanka ku heshay in ay taageero dhaqaale siiso Alshabaab.

Haweeneydan, oo leh lix carruur ah, ayaa magangelyo ka heshay dalka Holland, iyadoo dhallinyaro ah, waxayna degtay magaalada Terneuzen.

PUNTLAND POST