Xubnaha Golaha Wasiirada ee ka soo jeeda Puntland

Wasiirada

Abshir Cumar Huruuse — Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga, wuxuu u dhashay beesha Majeerteen/Ciise Maxamuud.

Gen. Cabdullaahi Axmed Ilka-jiir — Wasiir Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, wuxuu u dhashay beesha Warsangeli/Cumar.

Fardowsa Cismaan Cigaal — Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, waa xildhibaan, waxayna u dhalatay beesha Leelkase/reer Maxamed Xasan.

Jaamac Xasan Khaliif — Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, wuxuu u dhashay beesha Dhulbahante/Faarax Garaad.

Wasiir Ku-xigeenada

Cabdiqafaar Cilmi Xaange — Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, waa xildhibaan, wuxuuna u dhashay beesha Majeerteen/reer Biciidyahan.

Saadaam Maxamuud Cabdi — Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, waa xildhibaan, wuxuuna u dhashay beesha Madhibaan.

Maxamed Cabdiqaadir Cali — Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, wuxuu u dhashay beesha Carab Saalax. (Warar ayaa sheegaya in uu xilkaas diiday).

Wasiiru-dowlayaasha

Xirsi Jaamac Gaani — Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa xildhibaan, wuxuuna u dhashay beesha Awrtable.

Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) — Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, wuxuu u dhashay beesha Majeerteen/Cali Saleebaan.

Maxamed Cabdiqaadir Dhucle — Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, waa xildhibaan, wuxuuna u dhashay beesha Majeerteen/Siwaaqroon.

Maxamed Bashiir Cali (Baxnaan) — Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waa xildhibaan, wuxuuna u dhashay beesha Dishiishe.

PUNTLAND POST