Koox hubaysan oo ku eedaysan in ay ku lug-leeyihiin maandooriyaha Khamriga ayaa gelinkii danbe ee xalay dhaawacay Taliyaha saldhiga bartamaha Caasimadda Garoowe dhamme Mahad Axmed Maxamuud (Gabso) sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska.
Kooxdaas ayaa Taliyaha dhaawacay xilli uu ku jiray hawlgal ka dhan ah maandooriyaha Khamriga kaas oo ka socday xaafadaha magaalada Garoowe.
Dhaawaca Taliyaha ayaa markiiba isbitaal loola cararay halkaas oo lagu dabiibayo Xaaladdiisa Caafimaad sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska Garoowe.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weli aan gacanta lagu dhigin kooxdii Taliyaha dhaawacday balse lagu raad-joogo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.