Puntland waxay u baahan tahay awood-daadejin dhab ah

Garoowe (Faallo PP) — Puntland way 24 jirsatay. Lix madaxweyne ayay yeelatay tan iyo 1998kii. Marka la eego sida awoodda maamuullo kala duwan isku wareejiyeen, dadka Puntland waxay muujiyeen dadaal iyo dulqaad. Puntland waxaa dhisay dad ka soo barakacay koonfurta Soomaaliya, waana sababta ay u noqotay meel hoy u ah Soomaali ka soo kala jeedda gobollo kala duwan. Dadkii ka soo qaxay koonfurta ayaa dareemay in dal uusan ku dhisnaan awood meel lagu soo kobo iyo dad u kala qoqoban beelo. Aragtadani waxay keentay in Puntland noqoto maamul u qareema habka federaalka. In awood-daadejin la’aani ay qeyb ka ahayd burburkii dowladnimada Soomaaliya ayay taageerayaasha habka federaalku ku doodaan.  Waa dhab. Wax lagu tashaday ma ahayn in kheyraadka horumarinta dhowr gobol la iskugu geeyo. Puntland waxay tusaale u noqotay dib u dhiska gobollo dowladi hore u dayacday, dadkii u soo hayaamayna ay saboolnimo kula soo guryo-noqdeen goobo ay ku dhasheen ama aabbayaashood ama awoowayaashood ka soo jeedaan.

Awood-daadejin dhab ahi waa inay noqoto abaalmarinta la siiyo dadka Puntland oo muddo dheer u dulqaadanayay isla xisaabtan la’aanta dib u dhac badan sababtay.

Puntland asaasayaasheedii waxay ka fekereen in maamul gobolkeedii ugu horreeyay noqdo mid isu doona Soomaalida colaadaha sokeeke ku kala irdhoobay. In federaalku xal u yahay xallinta dhibaatooyinka burburka dowladnimadeennii 1991kii ayay istuseen. Waxay ahayd himilo wacan oo in la sii toosiyo u baahan.  Dib u dhacyada  ay dabaqadda siyaasadeed ee Puntland xalka u la’ yihiin waxaaa ka mid daadejin la’aanta maamulka.  2013 isku day dimuqraadiyeyn ayaa afka ciidda daray. Sanadkii hore (2021) doorashooyin tijaabo ah ayaa ka dhacay seddex degmo. Ururro siyaasadeed ayaa u tartamay. In Puntland doorashooyin dowlado hoose qaban karto way caddaatay. Hakad ayaa galay hannaanka dimuqraadiyeynta Puntland. Hakadku wuxuu ka yimid sida ururrada siyaasaddu uga gaabiyeen  billaabista wajiga labaad ee dimuqraadiyeynta. Hadalladii guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax ayaa shaki badan abuuray eedeynta uu u soo jeediyay ururka Kaah oo uu ku tilmaamay mid xagal-daacinayay doorashooyinka. Guuleed wuxuu fikraddiisa dhiibtay kaddib markii uu iska casilay xilkii uu hayay. Ma jirin wax warbixin ah oo  uu guddiga doorashooyinku (TPEC) soo saaray ku saabsan sida ay doorashooyinkii tijaabada ahaa u qabsoomeen. Sidoo kale ma jirin ururro siyaasadeed oo uu muujiyay inay Saalax la wadaagaan walaaca ku saabsan faragelin aan la caddaynin.

Madaxweynihii hore ee Putland Cabdiraxmaan Faroole ayaa tixraax ka dhigtay Saalax niyadxumana ka muujiyay in doorasho hal qof iyo hal cod dhici karto ka hor doorashada 2024 ee madaxtooyada Puntland. Puntland uma sii lug-xirnaan karto hab xildhibaannadu soo doortaan Madaxweynaha, habkaas oo awoodda ku soo kooba gacanta fulinta. Daadejin la’aanta awooddu waxay kobcisaa isla xisaabtan la’aanta sababtay in dadka Puntland ka qatan yihiin lacagaha ka soo xerooda shatiyada kalluumeysiga, in reer miyigu aad ugu tabaalloobo abaaraha soo noqnoqdo oo saameyntoodu yaraan lahayd haddii Puntland hanti-dhowr hufan iyo awood aan ku urursanayn madaxtooyada.

Gobolka oo lagu wareejiyo misaaniyaddiisa, awoodna u yeesha inuu soo doorto xildhibaannada ka mid noqonaya golaha degaanka iyo baarlamaanka Puntland waa waddada keliya oo maamul suubban loo mari karo. Xildhibaanka Puntland hadda uma hadlo gobolka uu metelo. Wuxuu aad ugu dhow yahay odayga soo magacaabay oo wuxuu u nuglaadaa inuu ku dhowaado fulinta (madaxtooyada). Waa sir la wada og yahay in Madaxweynaha Puntland uu meel fog ka maamulo baarlamaanka. Taasi ma soo afjarmi karto haddii Puntland ku sii socoto hab siyaasadeedka lagu duudsiiyo xaqa dadku u leeyihiin inay soo doortaan xildhibaannada iyaga metela.

Madaxweyne Deni waa inuu si cad u soo bandhigo u heellanaantiisa hirgelinta habka dimuqraadiyeynta. Waa inuu ururrada siyaasadda kula heshiiyo qabashada doorasho hal qof iyo hal cod sanadka soo socda haddii aan la qaban karin dhammaadka sanadkan. Puntland waa inay u diyaargarowdo hab siyaasadeed oggolaanaya in dowlad wadaag ah la dhiso. Waa in tirade codadka xisbi dowlad gaar ah ku soo dhiso karo la badiyo si xisbi uusan Puntland u maamulin isaga oo aan aqlabiyad haysanin. Habkani wuxuu ku qasbayaa xisbiyada inay ku tartamaan barnaamijyo siyaasadeed. Waa sida keliya oo dadka Puntland loogu abaalmarin karo dulqaadka  ay muujiyeen muddada dheer. Sanadguuro wanaagsan.

© Puntland Post, 2022