Guudlaawe oo labo sano ku dhawaad kaddib magacaabay Golaha Wasiirada Hirshabeelle

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa magacaabay Golaha Wasiiradda maamulkaas oo ka kooban 81 xubnood oo isugu jira 27 wasiir, 27 wasiir ku- xigeen iyo 27 wasiiru-dowle.

Magacaabidda Golaha Wasiirada ee maamulka Hirshabelle ayaa Madaxweyne Guudlaawe ku qaadatay muddo labo sano ku dhow, tan iyo markii la doortay 11 November 2020.

Magacaabis Golaha Wasiirada Hirshabelle ayaa la sheegaa in ay hortaagnaayeen khilaafkii Beledweyne iyo doorashooyinkii dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana tan iyo xiligaasna shaqaynayay inta badan Golihii Wasiirada dowladdii Madaxweyne Waare.

PUNTLAND POST