Qormadaan waxaan uga hadlayaa waxyaabaha laga dhaxlay dhisitaankii Puntland, waxyaabaha aana laga guul gaarin se wali lagu raad joogo ka dhabeyntooda, iyo kuwa kale ee laga gaabiyey ayna ahayd in la siiyo muhiimad iyo mudnaan ka weyn tan horey loo siiyay.
Ugu horeyn, waxaan ka faalloon doonaa waxyaabaha u qabsoomay Dawladda Puntland muddada 24-ka sano ah ee ay jirtay. Runtii, 24 sano shaqooyin nooc walba lahaa ee la qabtay maahan mid qormo lagu soo koobi karo hase ahaatee waxaan ka hadlayaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la qabtay baahidoodana ay jirtay markaas, waxaan u kala qaadayaa dhowr qodob oo midba faallo kooban ka bixin doono.
1. Ciidanka
Amnigu waa asaaska bulshada, si loo helo bulsho dhankasta ka horumarsan waxaa laga maarmaan ah in la helo amni, amni in la helaana waxaa udub dhexaad u ah in la helo ciidamada noocyadooda kala duwan, hadaba mudadii ay Puntland jirtay waxaa lagu guuleystay dhisidda ciidan tiradooda iyo tabarkooduba sareeyo oo qalabeysan lehna noocyada kala duwan ee ciidamada, haday noqon lahayd dhan milatari, dhan sirdoon, dhan booliis, taraafik iyo waliba dhanka ciidamada badda. Waxaa suurta gashay in la furo xarumo tababaro oo soo saara ciimadada noocyadooda kala duwan, ciidankaas waxaa laga dhaxlay amniga iyo xasilloonida ay maanta ku naalloonayaan shacabka Puntland.
2. Waxbarashada
Dhanka waxbarashada ayaa iyana waxaa laga sameeyay horumar aad u weyn, kadib burburkii dawladdii dhexe ee Somaaliya, markii ay qarxeen dagaaladii sokeeye waxaa dhamaan burburay nimaadkii waxbarasho ee dalka, dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa fursad u waayay in ay waxbartaan, iyagoo sababsaday colaado keenay inay waayaan goobo amni ah oo ay wax ku bartaan amaba cid waxbarta maadaama qofkastaa uu colaadda ka cararay, Puntland waxay ahayd meesha kali ee shacabkii ku dhaqanaa ay ka badbaadeen aafadaas iyo dib u dhacaas waxbarasho iyadoo ku guuleysatay fariisinta manhaj waxbarasho oo dhamaystiran lehna tayo aad u sareysa, dabadeedna la yagleelay qaadidda imtixaan dawli ah oo mideysan.
Puntland maanta waa maamul goboleedka kali ee leh manhaj dhamaystiran, waa maamulka kali ee si madaxa bannaan u maamula imtixaammada fasallada 8aad ka iyo waliba galaaska 12aad ee dugsiga sare, sidoo kale waxaa xusid mudan in manhajka waxbarasho ee Puntland uu udub dhexaad u ahaa dib udajinta amaba u soo nooleynta manhajka waxbarasho ee dawlada dhexe ee soomaaliya. Dhanka jaamacadaha Puntland waxaa ku yaalla Jaamacado tiradoodu ku dhawdahay 10-neeyo lagana helaayo dhamaan takhasusyada noocyadooda kala duwan.
Puntland waxaa lagu guuleystay in la sameeyo xarumo lagu barto farsamooyinka gacanta iyadoo meelaha u badan ee laga hirgaliyay ay tahay xabsiyada si ay maxaabiistu u helaan fursad waxbarasho oo ay noloshooda ku badali karaan markii ay dib xoriyaddooda u helaan.
3. Kaabayaasha Dhaqaalaha
Kadib dawladii dhexe, majirin dawlad dhexe oo dambe oo isku hawsha dib u dhista kaabashaaya dhaqaale ee wadanka, shacabka Puntland iyo madaxdoodu waxay dhexda u xirteen in aysan cidina wax ka sugin iskuna tashtaan.
Maantay Puntland waxay leedahay afar gegi diyaaradeed oo toos u hawl gala waliba laba kamid ahi ay yihiin kuwa caalami ah, sidoo kale waxay leedahay laba dekadood oo mid kamid ahi ay hadda gabagabo tahay, iyadoo uu noqday mashruucii ugu weynaa uguna horeeyay ee uu shacab hirgaliyo iyagoona caawimaad iyo deeq dibadda ah helayn.
Iyadoo laga faa’iideysanayay mashruuca maamul daadajinta Puntland (JPLG), waxaa suurta gashay in la hirgaliyo waddooyin magaalooyinka dhexdooda ah, waxaa dib udhis iyo dhayactir lagu sameeyay ku dhawaad 50 buundo oo xiriiriya magaalooyinka Puntland, waxaa dib loo dayactiray laamiga isku xira Gaalkacyo iyo Boosaaso oo lagu qiyaaso ku dhawaad 750 kilometer, waxaa lasoo kordhiyay waddooyin cusub oo isku xira magaalooyinka Puntland sida wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo.
Waxaa jira waxyaabo badan oo Puntland u qabsoomay balse aana halkaan ku xusin, maahan inaan ilowsanahay hase ahaatee halkaan laguma soo koobi karo sidaas darteed kuwii ugu muhiimsanaa ayaan xusay.
MAXAAN U QABSOOMIN PUNTLAND?
Waa ay adagtahay in bulsho leh nooc walba laga jawaabo baahiyahooda kala duwan, hadana u jeedka maamul loo dhistaa ayaaba ah in xal loo helo baahiyaha guud ee nolosha asaasiga u ah, hadaba iyadoo ay jiraan kumanaan baahiyood oo wali taagan halkaan waxaan ku xusi doonaa kuwooda ugu muhiimsanaa ee asaasiga u ahaa nolosha ee baahidooda xal loo helin ayna wali taagantahay.
1. Fariisinta Dhaqaalaha
Iyadoo aad looga shaqeeyay kaabashaaya dhaqaalaha, misana Dawladda Puntland waxay kufashilantay fariisinta dhaqaalaha gudaha iyo xakameynta sicir bararka joogtada ah, sidaan la socono dhamaan deegaannada Puntland waxaa laga isticmaalaa lacagta Doolarka iyada oo kaash ah amaba danabeysan, lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd wax ay tarto amaba goyso ma jirto, taasna waxay sababtay in qoysas badan oo danyar ahaa uu adkaado nolol maalmeedkoodu, in gacansiyadii yaryaraa badi ay xirmaan, waxaa dhamaan kor ukacay maciishaddii asaasiga u ahayd nolosha, waxaa khatar ku jira noloshii dabaqadda sadexaad ee bulshada oo ay soo foodsaartay macaluul iyo nafaqo-darro.
Tusaalaha ugu dhaw ayaa ah in dawladdu ay xakameyn weysay xalna u keeni weysay qiimaha korontada dhamaan deegaannada Puntland, iyadoo ka dhigaysa korontada ugu qaalisan Soomaaliya kuna dhawdahay laba jibbaar iyo ka badan qiimaha deegaannada kale ee Soomaaliya, ogow korntadu waxa ay xilligan ku jirtaa waxyaabaha asaasiga u ah nolosha.
Iyadoo dawladda Puntland ay tahay maamulka kaliya ee sitoos ah uga qaada canshuur dhamaan deegannada hoostaga haday ahaan lahayd ganacsiga, gawaarida, shaqaalaha iyo waliba guryaha, hadana maantay Puntland dhaqaaleheedu wuxuu marayaa heer mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka dawladda si joogto ah loo wadi waayo.
Si kasta oo loo horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha, mar hadii aana si huffan looga shaqeysiin oo loo gacan galiyo shaqsiyaad gaar ah waxay dhashaa in aana shacabku ku faa’iidin balse dhaqaalaha uu ku dhaco jeebab gaar ah waxaana ka dhasha khalkhal dhaqaale iyo sicir barar joogta ah.
2. Caafimaadka
Caafimaadka waxa uu ku jiraa waxyaabaha asaasiga u ah badqabka nolosha bini-aadamka iyo jiritaankeeda, Puntland maantay oo ay 24 sano jirsatay hadana malahan hal isbitaal oo Referral ah oo si dhamaystiran u qalabeysan, kana hawl galaan dhamaan noocyada kala duwan ee Dhakhaatiirta, taasi waxay keentay in Dhamaan madaxda iyo badi shacabka Puntland uu waqti iyo maalba uga baxo sidii ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh oo ay u aadayaan deegaanka dibaddiisa, halka kuwa aan awoodin dhaqaale ay ku baxaan ay darxumo ula jiifaan xanuuno ay sahlanaan lahayd in laga daweeyo (hadii aysanba toodu galin), waa hadii ay heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh.
Maaddaama aan ahay mid kamida hawlwadeenada caafimaadka, aana si dhab ah uga warqabo dhammaan isbitaalada deegaannada Puntland, waxaan hubaa in dawladdu aysan muhiimad siinin caafimaadka, lagana gaabiyay in loo dajiyo nidaam hufan oo keena isbadal dhab ah.
3. Shaqa abuurka dhalinyarada
Shacabka Puntland ku dhawaad 65% waxaa lagu qiyaasaa dhalinyaro, hadana ma jirto wax nidaam shaqa abuur ah oo loo dejiyay dhalintaas, ma jiraan hay’ado sitoos ah loogu xilsaaray mashruuc shaqa abuur ah misana la yaqaano shaqadooda iyo halka ay ka hawl galaan, taasi waxay sababtay in dhalintu ay kacararaan deegaankooda, una qaybsamaan qaar tahriiba iyo qaar deegaan kale fursad ka raadsada, halka qaar kale ay ku fakaraan waxyaabo amniga iyo xasiloonida dhib ku ah.
4. Hirgalinta Doorasho qof iyo cod ah
Muwaadin kasta oo Puntland ku nool waxa uu xaq ulahaa in uu helo matalaad dhab ah oo uu kusoo xusho cidda uu u arko in ay matali karto, si loo helo hoggaan sax ah oo ku yimid rabitaan shacab loogana gudbo nidaamka beeleysan ee hadda jira.
24 sano kadib dawladda Puntland ma jirto doorasho caynkaas ah, inkasta oo uu madaxweynaha haatan jooga uu sameeyay isku daygii ugu horeeyay haddana waxay umuuqataa in ay tahay shaqo laga gaabiyay ka dhabeynteeda ayna ahayd horey in loo qabto, maadaama 24 sano ay tahay waqti ku filan ka dhabaynta nidaamkaas dimuqraadiga ah.
GUNAANAD
Ugu dambayn, waxaan hambalyo udirayaa dhammaan shacab weynaha Puntland meel kasta ay joogaan, waxaan ugu baaqayaa in shacabku dawladda kala shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa dhamaan baahiyaha taagan, in fikir iyo cudud la iskugu geeyo si deegaankeenu unoqon lahaa mid dhan kasta iskaga filan, si muwaadin kasta uu uhelo adeeg dhamaystiran oo tayo leh loogana dhabeeyo hadafkii loo aasaasay dawladda Puntland.
Dr. Muuse Axmed, Gaalkacyo
You must be logged in to post a comment.