Muddo dheer ayay Soomaaliya ka cabanaysay dubbihii shirkii Berlin 1884 Afrika lagu qeybsaday si wajigii ka ganacsiga dadka loogu beddelo gumeysi. In dadka Afrikaanka mudan yihiin in la gumeysto ayay reer Yurub ku doodeen markii ay Afrika u qeybsadeen sida hal la qalay.
Soomaalida waxaa lagu siray heshiis beelo lala galay. Imbaradooriyaddii Biritishku waxay dhul Soomaalidu leedahay si qarsoodi ah u siisay Itoobiya. Dibindaabyadaasi waxay soo ifbaxday markii dhulka Hawdka uu Biritishku ku wareejiyay Itoobiya 1954kii. Itoobiya marka heshiisyada qarsoodiga ah ay la saxiixanaysay Biritayn waxay ka mid ahayd Ururkii Qaramada; markii dhulka Soomaaliyeed lagu wareejinayay waxay ka mid tahay Qaramada Midoobay.
Biritayn way jebisay heshiiskii ay beelaha Soomaaliyeed la gashay. Buugga The Betrayal of Somalis ayuu Louis FitzGibbon ku faahfaahiyay sida dalalkii ku guuleystay dagaalkii labaad danaha Soomaalida u dhawaaceen iyagoo dhowraya danaha Itoobiya. Soomaaliya hadda waxay dib ugu noqotay siyaasaddii jirtey dhammaadkii qarnigii 19aad xilligii Afrika la qeybsaday.
Marka dowlad Soomaaliyeed lagu qanciyo inay ka aamusto hindise Senatka ku doonayo inuu Berbera saldhig ka samaysto isagoo siyaasadda Soomaaaliya Mid Ah (One Somalia Policy) dhegaha ugu ridaya dowladda Federaalka Soomaaliya halis noocee ah ayaa soo foodsaari karta qarannimada Soomaaliya? Muxuu Senatka Maraykanku u curiyay hindise ku saabsan dekedda Berbera isagoo u arka Somaliland maamul ay isku wax ku dhaataan (shared values)? Miyay dhici kartaa in Maraykanku Mombassa si gaar ah saldhig uga furto uu curiyo isaga oo aan la tashan dowladda Kenya? 1983kii Berbera ayaa ku sugnaa markii ciidammadii badda Soomaaliya iyo ciidammada badda Maraykanku dhoollatus ku samaynayeen halkaas. Dagaalkii qaboobaa ayaa socday markaas.
Dib u dhisidda dowladnimada Soomaaliya oo Biritayn garwadeen ka tahay waa mid wax badan la wadaagta habkii xukunkii dadbanaa (indirect rule) waayo hay’adaha siyaasadda ee federaalka waxaa unkiddooda udub-dhexaad u ahaa madax dhaqameedka. Wax badan Habkani wuxuu wax badan la wadaagaa boqortooyooyinka Carbeed ay gumeystayaashii camcameen. Habkan dowladnimadeennu ku salaysan tahay wuxuu dhaawac weyn gaarsiiyay dareenka in Soomaali dhulka, kheyraadka iyo kaabayaasha qaranka wadaagto.
Muxuu Galbeedku colaadda intaas le’eg ugu hayaa dal burburay oo ka hor 1991 ku tiirsanaa dalalka Galbeedka dhanka deeqaha iyo horumarinta? Galbeedku wuxuu Soomaaliya ka dhex arkay fursad ah in dalku noqon karo sheybaar lagu fuliyo tijaabooyin siyaasadeed si qowmiyadaha Afrika ismaandhoofkooda loo sii soofeeyo; in lagu fidiyo siyaasado hoos u rida iskalsoonida ummadeed; in si dadban loolla dagaallamo dib u kabashada.
Siyaasadda kala qeybinta Soomaalida waxaa garbo u ah siyaasiyiin lacag xadis ku mashquulsan iyo ganacsato la dagaallansan dib u soo celinta adeegyadii dowladdu bixin jirtey. Badbaadinta qarannimada Soomaaliya xil baa naga wada saaran. Dib u milicsiga taariikhdeenna siyaasadda ayaa ah waddo noo iftiimin karta halista ugu weyn oo ah in aannu ku dhacno godkii shirkii Berlin lagu qoday. Qarannimo aan la ilaashanaynin ma dhaanto mid aan jirin.
Cali M. Jibriil
You must be logged in to post a comment.