Maxkamadda Garoowe oo mar kale saaka u fadhida dhegeysiga kiiska geed-quwaaxa

Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Garoowe ayaa saaka mar kale u fadhida dhegeysiga dacwadda ku saabsan dhoofinta geed-quwaaxa.

Sida ay xaqiijinayaan wararku waxaa isbeddel lagu sameeyay garsoorihii hore ee kiiska dhegeysan jiray waxaana lagu beddelay garsoorayaal cusub.

Dad ay ku jiraan xildhibaanno iyo mas’uuliyiin dowladeed oo ku eedaysan kiiska geed-quwaaxa ayaa ka maqan dacwadda oo aan weli la hor-keenin maxkamadda.

Garsoorihii la beddelay ayaa horay u codsaday in maxkamadda la hor-keeno mas’uuliyiinta xasaannadda leh ee ku eedaysan dhoofinta geed-quwaaxa taas oo aan weli dhicin.

PUNTLAND POST