Khilaaf ka dhex taagan guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland magacaabay

Khilaaf iyo is-faham la’aan ayaa ka dhex taagan guddi uu Baarlamanka Puntland u xil-saaray ururinta natiijadii ka soo baxday la-xisaabtanka xukuumadda.

Khilaafka guddiga ayaa sida la sheegayo bilowday kadib markii ay isku fahmi-waayeen arrin la xiriirta mas’uuliyiin ay doonayeen in shaqa-xumo lagu eedeeyo si Baarlamanku tallaabo uga qaado.

Guddiga waxa ku midaysan xildhibaanno kala maan ah oo aan isku jiho u socon sida ay caddaynayaan xogaha laga helayo kulamadoodiii u danbeeyay.

Guddiga ayaa shalay dalbaday in la siiyo wakhti dheeriya oo ay ku soo dhammaystiraan shaqada loo igmaday inkastoo aysan mudda cayiman qabsan.

PUNTLAND POST