Madaxwayne Xasan Sheekh ma ku saxanyahay inuu xiriir dhow la yeesho Masar?

Daahir Mire Jibriil

Ph.D.

Jawaabtu waa “HAA”

Maxay tahay sababtu?

Soomaaliya waa xor, waxayna xaq u leedahay inay xiriir dhow la yeelato dalka ay rabto. Dalal badan ayaa la leh xiriir xoog leh dalal ay ka dhaxayso tartan, xurguf siyaasadeed, mid dhaqaale, iyo xataa dagaal qabow. Tusaale: Ethiopia (US/China), Israel (US/Russia), Djibouti (US/China), iyo kuwa kale oo badan. Soomaaliya lafteeda waxay xiriir dhow la leedahay Turkey, taas oo laga yaabo in US, UK iyo kuwo kale ayna raali ka ahayn. Waa muhiim waana lagama maarmaan in Soomaaliyaa la yeelato US xiriir istaraatiijiyadeed oo adag, laakin, taas micnaheedu ma aha in aynaan xiriiro ballaan la yeelan karin dalal kale.

Masar waxaynu leenahay xiriir qoto dheer oo taariikheed oo ilaa Faraacinadii 3500 oo sano soo taxnaa, xiriir gobanimo doon, xiriir tacliin, xiriir horumar iyo mid dhaqan. Waxaynu isku bah ku nahay Ururka Carabta, Ururka Dalalka Islaamka, iyo ururka Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdalfataax Al Sisi

Masar iyo Soomaaliya waxay ku nool yihiin biyaha ka yimaada buuraleyda Ethiopia. Masar waxaa waraabiya biyaha Nileka, Somaaliyana biyaha wabiyada Jubba iyo Shabeele. Sidaas darteed, sharciyada iyo biyo xireenada Ethiopia laga sameeyo Soomaaliya waa quseeyaan, waana saamaynayaan. In si siman, oo loo dhan yahay, oo cadaalad ah biyahaas loo qeybsado waxay lagama maarmaan u tahay nolosha dadka Soomaaliyeed.

Masar waxay taariikh dheer ku leedahay ka caawinta Soomaaliya danka amaanka. Soomaalidu waxay si weyn ugu baahan tahay in ay si dhaqso ah uga guulaysato kooxaha xagjirka ah, kuwaas oo nabaddii dalka baabi’iyey. Ciidamada Afrika, oo ka badan labaatan kun, dalkana joogey ilaa 18 sano, ayna ka midyihiin dalalka deriska ah, Soomaaliya nabad waa ka keeni waayeen. Dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Masar waxay iska kaashan karaan in Soomaaliya cunaqabataynta hubka laga qaado, iyo in loo isticmaalo kooxaha xagjirka ah hub iyo sanco ayna iyagu haysan sida drones, Tanks etc.

Dhanka kale, Soomaaliya iyo Ethiopia waxay isaga rakiban yihiin sinaha. Midkoodna horumar ma samayn karo haddii ayna xuduudahooda u furin alaabta iyo isu socodka dadka, ka wada shaqeyn iskaashiga amaan iyo xoojinta ururka IGAD. 120 milyan ee shacabka Ethiopia oo toban milyan ay Somali yihiin, waa in ay khayraadkooda, sida batroolka, gaaska, xoolaha nool iyo alaabta kale ka dhoofiyaan Dekadaha Soomaaliya, iyo in ay kala soo degaan alaabta ay u haahan yihiin. Sidaas darteed, wadama deriska aan lanahay ee Ethiopia, Kenya, iyo Djibouti, aanna ka wada midnahay IGAD, EAC IYO AU, waa in aynu la leenahay isu socodka dadka iyo alaabta oo xor ah. Shacabka Soomaaliya baa sidaas dani ugu jirtaa.

Haddii aragtidaas Soomaaliya ku shaqeyso, ma aha dalna inuu dhibsado, balse, waa in ay Soomaaliya ku garab istaagaan.

Daahir Mire Jibriil, Ph.D.